Sawirro: Agaasimaha PMPF oo Qaabilay Mr. Kestutis Lancinskas, Madaxa Hawgalka EUCAP Somalia
27 Okt 2025 (Puntlandes.com) Agaasimaha Guud ee Ciidanka PMPF Gen. Abdirabi Cabdisamad Maxamed oo Qaabilay Mr. Kestutis Lancinskas, Madaxa Hawgalka EUCAP Somalia
Boosaaso, 26-October-2025– Kulankan oo ay ka qaybgaleen madaxa istaraatijiyadda Amniga ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Maxamed Warsame,saraakil ka tirsan Ciidanka PMPF iyo EUCAP Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha amniga ee guud ahaan gobolka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay xogaha la xiriira badaha iyo khataraha amni ee ka jira. Waxaa si qoto dheer looga dooday khataraha amni iyo argagixisada, saameynta ay ku leeyihiin nabadgelyada, iyo habsami u socodka maraakiibta iyo doonyaha shixnadaha sidda ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo marinada muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed.
Sidoo kale, inta uu kulanku socday Sakaarisha EUCAP Soomaaliya ayaa Dawladda Puntland ku bogaadiyay guusha ay ka gaartay Hawgalka Hilaac ee Buuraleyda Calmiskaad lagaga sifeynaayo firxadka Argagaxisada, waxa ayna sheegen in Dawladda Puntland ay ku garab taaganyihiin ciribtirka Argagaxisada.
Ugu Dambeyn labada dhinac ee PMPF iyo EUCAP Soomaaliya ayaa ka wada xaajoday muhiimmadda ay leedahay xaqiijinta taageerada EUCAP ay ku salaysantahay baahiyaha PMPF, ayna si wax ku ool ah uga qeyb qaadan karto hawlgallada badaha iyo la-dagaallanka dambiyada badda.





