Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan ku saabsan Amniga iyo horumarinta Gobolka Mudug la qaatay wafdigii Islaan Bashiir Islaan Cabdile
27 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan ku saabsan Amniga iyo horumarinta Gobolka Mudug la qaatay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdile.
Wafdiga ayaa waxay ka koobnaayeen Ganacsato ka timid Nairobi una socday inay Maalgashtaan oo dhisaan Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo inay ka qaybqaataan horumarka iyo abniga magaalada iyo guud ahaan gobolka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay madaxda Goleyaasha Dowladda Puntland ku metela Gobolka Mudug, oo ay weheliyaan Xildhibaano heer Federaal ah, Masuuliyiinta Gobolka Mudug, kuwa degmada Gaalkacyo iyo Guddiga horumarinta degmada, qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobolka Mudug, Siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Mudug.
Dhanka amniga ayay dawladdu balanqaaday, qaadida talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo amni xumada oo ay sal u yihiin aanooyinka qabaa’ilka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay dawladdu aqbashay soo jeedin ahayd in dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ay ganacsato maalgashi ku sameysato, taas oo ahayd hindise socday mudooyinkii u dambeeyey.


















