Sawirro: Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo warbixin laga dhegaystay Wasaaradaha Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Xanaaannada Xoolaha, Deegaanka & Gargaarka..

FB_IMG_1761828959236

30 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:

  • Amniga guud , Tayeynta Booliska, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dib-u-dejinta iyo xasilinta deegaannada Hawlgalku ka dhacay ee Calmiskaad iyo sidii adeeygyada Dowladnimo loogu dhameystiri lahaa.
  • Dardargelinta Dimuqraadiyadda iyo dhameysyirka shuruucda Doorashooyinka.
  • Arrimaha Shaqaalaha iyo Daryeelka Naafada Puntland.
  • Boggaadin todobaadka dalxiiska Puntland, oo sanadka lagu qabtay Gobolka Bari, Kaasi oo shalayto ka bilowmay deegaan dal-xiiseedka Mareero.

Golaha ayaa warbixin ka dhegaystay, Wasaaradaha Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Xanaaannada Xoolaha , Deegaanka iyo Gargaarka iyo mareeynta masiibooyinka.

About The Author