Sawirro: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo daah-furay ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland
02 Nov 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa daah-furay ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland.
Tallaalka oo ay horgelinayso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland, ayaa la gaarsiinayaa 300,000 oo Neef Iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan 3600 oo qoys oo ka mid xoola dhaqatada Puntland, wuxuuna socon doonaa muddo Bil ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor, ayaa bogaadiyay hirgelinta tallaalka, waxaana uu kula dardaarmay in masuuliyiinta Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka ee fulinaya tallaalka ay masuuluyad gaar ah iska saaraan arrintan madaama caafimaadka xooluhu ay muhiimad gaar ah inoo wada leeyihiin.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, dhakhaatiirta xoolaha, iyo marti sharaf kale.







































