Sawirro: Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland oo ka qeybgalay munaasabadda soo dhoweynta ciidanka cusub ee Booliska Puntland oo lagu wado in ay ka howl galaan caasimadda Garowe
02 Nov 2025 (Puntlandes.com) Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda soo dhoweynta ciidanka cusub ee Booliska Puntland oo lagu wado in ay ka howl galaan caasimadda Garoowe.
Ciidamadan cusub waa jiil aqoonyahano ah, tababar iyo anshax sare leh, kuwaas oo u taagan in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan daacadnimo, kalsooni iyo dulqaad. Waa ciidamo matalaya ruuxda dawladnimo, kuwaas oo u taagan xaqiijinta amniga iyo ilaalinta sharciga.
Taliye ku xigeenka ayaa xusay in ciidamadan ay yihiin ilays cusub oo soo ifbaxay, isla markaana ay bulshada kala shaqeyn doonaan nabadda, wacyigelinta iyo dhisidda kalsoonida shacabka, isagoo ku booriyay ciidamada in ay noqdaan astaanta isku duubnida iyo adeegga shacabka.
Kadib munaasabadda, ciidanka ayaa loo gudbiyay xerada 54-aad ee ciidamada Garoowe, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabeen howlgaladooda nabadgelyo — tallaabo muujinaysa in Puntland ay ku socoto waddadii amniga, kala dambeynta iyo dowladnimada dhab ah.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale muujiyay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka, difaaca dalka, iyo dhisidda nidaam amni oo waara, taasoo saldhig u ah horumarka iyo midnimada ummadda.
“Dowladnimo waa marka ciidanka iyo shacabka ay hal himilo ku mideysan yihiin — ilaalinta amniga iyo sharafta Puntland.”













