Turkiga oo beeniyey in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK
02 Nov 2025 (Puntlandes.com) Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkey ayaa xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK ee lagu arkay Muqdisho aysan ahayn kuwo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse ay yihiin diyaarado ay leedahay ciidanka Turkiga ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in diyaaradahaas ay ahaayeen kuwo ka qeybgalay xaflad rasmi ah oo lagu qabtay safaaradda Turkey ee Muqdisho, halkaas oo ay sameeyeen duulimaad sharaf ay ku muujinayeen xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.
Saraakiil amni ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha iyo gaadiidka militariga ee la arkay ay ka tirsan yihiin xerada TurkSom, halkaas oo ay Turkigu ku tababaraan ciidanka Soomaaliya, balse aysan jirin diyaarado noocaas ah oo si rasmi ah loogu wareejiyey dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku faantay inay ku qalabaysay ciidankeeda hub iyo qalab casri ah, hase yeeshee xogta rasmiga ah ee soo baxday waxay muujineysaa in diyaaradaha T129 ATAK ay weli hoos yimaadaan maamulka difaaca Turkiga.