4 kamida Isimada Mudug “Waxaan si rasmi ah oo buuxda raalligelin uga bixineynaa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo dhammaan intii kale ee dhibsatay waraaqdii kalsoonida kala noqoshada”

03 Nov 2025 (Puntlandes.com) Afar ka mid ah Isimada Beesha Cumar Maxamuud ee gobolka Mudug ayaa waxay si buuxda raaligelin u siiyeen kagana laabteen Waraaq ay horay u qoreen, Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdille.

Afarta Isin oo kala ah Iimaan Cabdiwahaab Maxamuud Gurey, Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Ugaas CabdiXayi Sheek Ismaaciil iyo Ugaas Faarax Caabi samatar ayaa Waraaq raaligelinta oo ay soo saareen kadib la yeeshay kulan Islaan bashiir si toos ahna uga raaligeliyey wixii horay uga tagay.

“Anagoo ah afar kamid ah isimadii saxiixay waraaqdii aan ku baahinay baraha bulshada, taasoo aan kaga hadalnay arrimo ku saabsan Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, waxaan halkan ku caddeynaynaa inaan dib uga laabanay qoraalkaas, ka dib markii aan arrinta si qoto dheer u eegnay dhinacyo kala duwan.

Waxaan si rasmi ah oo buuxda raalli-gelin uga bixineynaa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo dhammaan intii kale ee dhibsatay waraaqdii kalsoonida kala noqoshada.” Isimada ayaa qoraalkooda ku sheegay.

About The Author