Muuqaal: Booliiska Puntland oo ku dhawaaqay in ay bilaabeen howlgallo balaaran oo ka dhan ah hubka sharci-darrada ah & maandooriyaha
04 Nov 2025 (Puntlandes.com) Booliiska Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen howlgallo balaadhan oo ka dhan ah hubka sharci-darrada ah & maandooriyaha, tan oo imanaysa ka dib dib-u-habayn lagu sameeyey Ciidanka Booliiska Puntland.
War ka soo baxay Booliiska waxa lagu yiri:
“Waxaa si gaar ah digniin loo dirayaa:
• Qof kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaata magaalooyinka.
• Qof kasta oo wata gaadiid aan taariko lahayn ama aan diiwaan-gelin rasmi ah heysan.
• Qof kasta oo isticmaala, iibiyo, ama ku lug yeesha maandooriyeyaasha.
• Qof kasta oo isku ekeysiiya ciidan ama si sharci-darro ah u adeegsada dharka iyo astaamaha ciidamada amniga.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in tallaabo sharciga waafaqsan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falal amni-darro, khatar ku ah amniga bulshada, ama carqalad ku ah hawlgallada amniga ee socda.”