DFS oo joojinayso dhammaan Visaha ay bixin jireen Xarumaha Hay’adda Socdaalka ee dawlad gobaleedyada

04 Nov 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqangalisay go’aan ay ku joojinayso dhammaan dal ku joogga, (Visaha), ay bixin jireen Xarumaha Hay’adda Socdaalka ee dawlad gobaleedyada, iyadoo ay bixin karto oo kaliya Shirkada qandaraaskan loo xiray ee Empire, oo ay saami ku leeyihiin qaraabada Madaxweyne Xassan Sheikh.

Dad haysatay dal Visaha oo ay bixiyeen dawlad gobaleedyada, kuna ahaa Transit Garoonka Muqdisho ayaa maanta la xanibay, tan oo sii biiraysa is heysigii horey u taagnaa.

Lacagta laga qaado dadkaan 60% ayay qaadanaysaa shirkadan, iyadoo horey 100% dawladda Federaalka u qaadan jirtay.

About The Author