Sawirro: Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha waxbarashada ee degmada Bursaalax

04 Nov 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, oo maalmahan ku sugnaa Degmada Bursaalax, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha waxbarashada ee degmada, oo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Bursaalax iyo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Ciro.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka gobolka ee lagu dhiirrigelinayo tayaynta waxbarashada iyo kor u qaadista adeegyada bulshada ee degmada, Guddoomiyaha ayaana la kulmay maamulka iyo macallimiinta dugsiyada, isaga oo warbixin ka dhageystay xaaladda waxbarashada, baahiyaha dugsiyada iyo caqabadaha jira.

Gudoomiye Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade ayaa ku ammaanay macallimiinta iyo maamulka dugsiyada dadaalka ay ku bixiyaan waxbaridda dhalinyarada, isaga oo ballan qaaday in maamulka gobolka uu ka shaqayn doono sidii loo heli lahaa taageero dheeraad ah, gaar ahaan dhinacyada qalabka waxbarashada, dayactirka xarumaha, iyo dhiirrigelinta ardayda danyarta ah.

Sidoo kale waxuu Gudoomiyuhu ku boorriyey waalidiinta iyo bulshada deegaanka in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan taageeridda waxbarashada carruurtooda, isagoo tilmaamay in horumarka bulshada uu salka ku hayo aqoonta iyo waxbarashada tayada leh.

Kormeerkan ku wehlinayaan Guddoomiyaha degmada Bursaalax iyo isuduwaha wasaaraxda arrimaha gudaha ee Gobolka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka gobolka uu wado qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan Amniga, waxbarashada iyo caafimaadka, iyadoo Bursaalax ay kamid tahay meelaha mudnaanta gaarka ah leh.

About The Author