Sawirro: Islaanka Beesha Cumar Maxamuud oo dhigay gogosha nabadda ee u dhexeysa beelaha Carab Saalax iyo Reer Khalaf

11 Nov 2025 (Puntlandes.com) Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, ayaa saaka dhigay gogosha nabadda ee u dhexeysa beelaha Reer Ismaaciil (Carab Saalax) iyo Reer Khalaf ee Cumar Maxamuud.

Shirka nabadaynta waxaa ka qayb galay gudoomiyaha gobalka Mudug, isimada dhaqanka gobolka Mudug, nabadoonada, waxgaradka, ganacsatada, iyo marti sharaf kale.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo shirka furay ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo ka shaqayn doona dhamaystirka dadaallada nabadaynta iyo heshiisiinta labada beelood.

Muddooyinkii u dambeeyay, maamulka gobolka Mudug iyo isimada dhaqanka ayaa si joogto ah ugu hawlanaa dadaallada lagu soo afjarayo colaadaha u dhexeeya beelaha gobolka, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Gaalkacyo

About The Author