Sawirro: Ciidanka cusub ee Booliska Puntland oo gaaray degmada Burtinle

11 Nov 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka cusub ee Booliska Puntland, oo dhawaan ka howlgalay caasimadda Garoowe, ayaa maanta gaaray degmada Burtinle, iyagoo sii wada howlgal nabadgelyo oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo amniga guud ee Puntland.

Ciidamadan cusub oo ah jiil aqoonyahano ah, tababar iyo anshax sare leh, ayaa loo diyaariyay in ay noqdaan tiirka amniga, sharciga iyo isku duubnida bulshada Puntland.

Markii ay Burtinle gaareen, waxaa ciidanka si diiran u soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Burtinle, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed, iyo Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhashane, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland.

Soo dhoweyntan ayaa muujisay wada-shaqeynta iyo kalsoonida ka dhaxaysa ciidanka iyo bulshada, taasoo ah tiirka ugu weyn ee nabadgelyada iyo dowladnimada Puntland.

About The Author