Sawirro: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland oo si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka cusub ee Shaakir ee magaalada Bosaso
11 Nov 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka cusub ee Shaakir, kaas oo laga hirgeliyay magaalada Boosaaso. Maxjarkan ayaa ah mid casri ah oo si heer sare ah loo dhisay.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ganacsatadii hirgelisay mashruucan baaxadda weyn leh, sidoo kale, Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in la kordhiyo maalgashiga xoolaha nool, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isla markaana bulshada reer Puntland ay si weyn ugu tiirsan yihiin.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo dhakhaatiirta in ay si gaar ah uga shaqeeyaan ilaalinta caafimaadka xoolaha si loo kobciyo tayada xoolaha ka dhoofaya dalka.
Xafladda xarig-jarka waxaa ka qayb galay: Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka, Guddoomiyaha Degmada, Ganacsato, Wakiillo ka socday dalalka ay xooluhu u dhoofaan, iyo mas’uuliyiin kale.





































