War-murtiyeedka shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ooy kasoo baxeen qodobo xasaasi ah

1a1b9

12 Nov 2025 (Puntlandes.com) Dowladda Puntland, Dowladda Jubaland iyo Madasha samatabixinta oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa War-murtiyeed kasoo saaray Shir 5-8 november uga socday Nairobi.

Golaha ayaa War-murtiyeedkiisa ku caddeeyey inuu ka soo horjeedo qodobada hoose:

1-Muddo kororsi ay samaysato dawladda Xasan Sheekh hogaaminayo

2-Dastuurka uu bedelay Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu dastuurka dalku yahay kii 2012kii.

3-Doorasho aan heshiis lagu ahayn

4- Siyaasadaynta iyo carqaladaynta Socdaalka dalka

5-Ku targi falka awoodda dawladnimo oo aan sharciga waafaqsanayn ee ay wada dawladda Xasan Sheekh

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu Dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay adkeeyaan midnimada iyo wadajirkooda, una diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka Dalka oo ay ugu horreyso sidii ay Dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya” ayey ku yiraahdeen War-murtiyeedka.

About The Author