Wafdi Maraykana oo Hargaysa tagay ayaa Bosaso kusoo fool leh berri
26 Nov 2025 (Puntlandes.com) Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka ee Afrika – AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson & Safiir ku-xigeenka Maraykanka, Justin Davis ayaa kula kulmay Hargaysa madaxweynaha Somaliland, iyagoo ka wada hadley marrinnada istiraatijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida lagu sheegey war ka soo baxay.
Saraakiishaan Mareykanka ayaa berri la filayaa in ay Bosaso kula kulmaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ay ka wada-hadlayaan dagaalka Calmiskaad & marinnada Gacanka-cadmeed.
Mareykanku ayaa laba jibaaray taageerada uu siiyo Ciidamada Difaaca Puntland, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka, tababarrada iyo howlgallada gaarka ah.