War-saxaafadeed: Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland oo beeniey wararka baraha bulshada lagu faaafiyey ee sheegaya in khilaaf u dhexeeyo Taliyeyaasha Booliska iyo Daraawiishta

28 Nov 2025 (Puntlandes.com) War-saxaafadeed uu soo saaray Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen Aadan Cabdi Xaashi ayuu uga hadlay baacsiga Argagixisada, sidoo kalena wuxuu beeninyey inuu jiro khilaaf kala dhaxeeya Taliyaha Ciidanka Booliska.

War-saxaafadeed Taliyaha hoos ka akhriso:

Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland Gen Adan Cabdi Xaashi oo ku hadlaya magaca ciidanka difaaca Puntland wuxuu ugu horayn salaan iyo bogaadin u dirayaa Ciidanka difaaca Puntland oo ku jira howlgalo lagu baadi goobayo firxadka kooxda daacish oo ku dhuumaalaysanaya godadka iyo dhirta hoostooda, Taliyaha ayaa ciidanka howlgalka ku jira ku bogaadiyey shaqada naf hurka leh ee ay ciidanku ka wadaan buuraha Calmiskaad.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu beeninayaa wararka baraha bulshada lagu faaafiyey ee sheegaya in khilaaf u dhexeeyo Taliyeyaasha Booliska iyo Daraawiishta, isagoo xusay in ay tahay dacaayad ay Taliyeyaasha iyo Ciidanka ka faafinayaan haraadiga kooxaha argigixisada ah oo ku qarinaya jabka ay Kala kulmeen Ciidanka Dowladda Puntland oo guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka Calmiskaad.

Taliye Gen. Adan Cabdi Xaashi, wuxuu boggaadiyey doorka warbaahinta Puntand iyo guud ahaan Warbaahinta Soomaaliyeed ay ka qaadatay Hawlgalka ka socda Calmiskaad oo maraya meel gebogebo ah, isagoo uga digey in aysan Warbaahintu ku kadsoomin fekradaha iyo dacaayadaha ay unkaan Argagixisadu, oo ku faaafiyaan bulshada dhexdeeda.

-DHAMMAAD-

About The Author