Muuqaal: Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Baarlamaanka Dowlada Puntland horgeysay warbixinta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026
30 Nov 2025 (Puntlandes.com) Wasaaradda Maaliyada Dowlada Puntland ayaa Golaha Wakiilada Dowlada Puntland horgeysay warbixinta Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, taas oo noqonaysa wadarta guud $ 315,783,344 Sanadkii.
Dakhliga gudaha ee Miisaaniyadda sanadka 2026 wuxuu noqonayaa $117,612,300 wuxuu ka soo xaroonayaa dhammaan Gobollada Puntland wuxuuna kordhay 16% marka loo eego sanadka 2025, iyo kab Miisaaniyadeed dhan $22,541,685 sanadkii, taas oo dakhliga gudaha ee Khasnadda dhexe lagu maamulayo ka dhigaysa $140,153,985 sanadkii, sidoo kale Mashaariicda Bankiga Aduunka ee soo maraya Khasnadda dhexe ee Dowladda Puntland waxay noqonaysa $39,495,472 sanadkii, wadarta guud ee dakhliga lagu maamulayo khasnadda Dowladda Puntland oo dhan $179,649,457 Sanadkii.
Dakhliyadda ka baxsan Khasnadda Dowladda ee kala ah Mashaariicda Qaramadda Midoobay, Hay’adaha caalamiga ah, Mashruuca Bankiga Horumarinta Africa iyo dawladaha hoose oo wadar ahaan dhan $136,133,887 sanadkii, Miisaaniyaddan ayaa ah kuwo ay maamulaan hay’adaha ay qusayso, kuna fuliya mashaariic horumarineed oo u qoondaysan. Miisaaniyadda mashaariicda caalamiga ah ee sanadka 2026 waxay hoos u dhacday 57% marka la barbardhigo qoondada sanadka 2025 madaama guud ahaan deeqihii caalamka uu hoos udhac xoogan ku yimi.