Sawirro: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland oo kala wareegay 3 Cagaf & Qalabkoodii Hay’adda Save the Children
30 Nov 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, oo ay weheliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cartan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Save the Children saddex cagaf iyo qalabkoodii shaqo. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Maxamed Cabdullaahi Casayr, Madaxa Save the Children ee Puntland, iyo Dr. Cabdi Daahir, Madaxa Mashruuca BREFON.
Cagafyada iyo qalabkan la socday ayaa loogu talagalay taageeridda beeraleyda calafka xoolaha ee ku sugan Degmooyinka Qardho, Garowe, iyo Galkacyo. Qalabkan ayaa qeyb ka ah dadaallada mashruuca BREFON, oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), si loo xoojiyo wax-soo-saarka calafka xoolaha, loogana hortago saameynta isbedelka cimilada.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey hay’adaha Save the Children iyo BREFON taageerada muuqata ee ay siiyeen Wasaaradda, wuxuuna xusay in qalabkan muhiimka ah si hufan loogu adeegayo beeraleyda Puntland. Wuxuu intaas ku daray in Wasaaraddu diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga hay’adaha, si kor loogu qaado tayada adeegyada xanaanada xoolaha.




















