Taliska Afrika ugu weyn ee Mareykanka oo ka hadlay booqashadoodii Puntland, Somaliland & Itoobiya

01 2025 (Puntlandes.com) Taliska Afrika ugu weyn ee Mareykanka oo qoraal soo say ayaa ka hadlay booqashadoodii Puntland, Somaliland iyo Itoobiya si cad ugu tiriyey Dowlad-goboleedyada Dowladda Federaalka, iyada oo talisku ka hadlayo socdaalladii.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa magaalada Bosaso ku qaabilay 27kii bishii hore ee november Wafdi ka socda Dowladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo taliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Africom, Gen. Dagvin R.M. Anderson, ayna qeyb ka yihiin Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis , diblumaasiyiin iyo Saraakiil kale.

Sidoo kale wafdiga Maraykanka ayaa waxay 26kii november kula kulmeen Hargaysa madaxweynaha Somaliland.

About The Author