Sawirro: Dhaqaatiirta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland oo Fuliyey Qaliin
02 2025 (Puntlandes.com) Dhaqaatiirta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha dawladda Puntland ee Degmadda Garowe ayaa ku guulaystay inay kala badbaadiyaan Neef ido ah oo ay ku adkaatay inay si caadi ah u Dhasho.
Ka dib markii ay Wasaaradda soo gaartay warbixinta sheegaysa in neef xanuunsan jiro, waxaa si deg deg ah ku gaaray goobta dhaqaatiirta Gurmadka deg deg ah ee Wasaaradda si ay wax uga qabtaan oo u caawiyaan Neefkaas.
Ugu danbayn dhaqaatiirta ayaa ku guulaystay Qaliinka waxayna kasoo saareen ilmihii oo caafimaad qaba, kaas oo ahaa Nayl, Laxdiina way Caafimaad qabtaa.
Neefka iyo Ilmihiisa waxaa lagu hayn doonaa Xarunta Degmadda ee wasaaradda iadoona Laxdaan ilaa hada cid sheeganaysa oo Wasaaradda la soo xiriirtay aysan jirin sidaas daraadeed waxaa wasaaradu ka codsaneysaa cidkasta oo garanaysa mulkiilayashaa laxdaan iyo Naysheeda inay Wasaarada Xanaanada Xoolaha la soo xiriiraan.












