Muuqaal: MD Cirro oo faray Ciidanka Militariga inay Magaalada Borama ka baxaan oo dib ugu noqdaan Xeryahooda
06 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagoo xalay hadlay waxa uu faray Ciidanka Militariga inay Magaalada Borama ka baxaan oo dib ugu noqdaan Xeryahooda
“Waxa aan Farayaa dhammaan Ciidanka Militariga ah ee Magaalada Borama ku jira in dib ay ugu noqdaan Xeryahooda. Ma jiro wax iiga qaalisan dhiigga dadkayga in aanu daadan, mana jiri doono wax aynu ku khasbanahay qaadashadiisa haddii aan laga wada-tashan..” Madaxweynaha Somaliland