Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in DFS Puntland ka abuurto guutada 32aad ee SNA ayna hawlgeliso!!!!!

08 Jan 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku amray Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odowaa Yusuf Raage in uu abuuro guutada 32aad ee SNA, taas oo la sheegay in ay saldhigyo ku leeyihiin deegaanada Puntland, xarunta guud ayaana laga dhigay magaalada Boosaaso, xarumana ay ku leeyihiin Gaaljacyo & Garoowe, iyadoo ujeedada lagu sheegay dibu habeynta ciidan.

Sida ku cad wareegtada soo baxday oo ay heshay Warbaahinta Gaylan Media sumadeeduna tahay TIX:LXTC/XDS/1292/26, kuna taariikheysan 7dii Jan 2026, sadexdaan urur ayaa loo kala qeybiyey, Ururka 321aad, oo Bosaso ah, Ururka 322aad, oo Garowe ah, Ururka 333aad oo Gaalkacyo ah.

Muddo hore Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay ciidamo u joogaan gudaha Puntland, iyadoo ay qaar ka mid ah Senatarada Puntland ee ku metela DFS ku sheegeen jabhado la abaabulayo.

Talaabadaan ayey waxay banaanka keenaysaa dagaal uu doonayo inuu isku dayo inuu ku burburiyo Puntland.

About The Author