Muuqaal: MD Xasan Sheekh “Xiriiro badan ayaan la sameeyey madaxda Somaliland balse igama ay hoos qaadin, waxaan isku dayey in aan joojiyo Dagaalkii Gobolka Sool…nasiib-darro na lama dhagaysan”
08 Jan 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay aqoonsigiiSomaliland a kaheshay Israaiil ayaa sheegay in dawladiisa oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
“Waxa aan qaadaynaa tallaabooyin adag oo aan kaga hortegeyno aqoonsi-beenaadka Israa|l ee qayb ka mid ah dalkeena.”
“Waxa aan ka garaabayaa dul kasta oo nidaamkii kacaanku u gaystay Woqooyi, waxa aan diyaar u nahay wada-hadal Soomaaliyeed oo lagu xallinayo wax kasta oo naga qaldamay.”
“Xiriiro badan ayaan la sameeyey madaxda Somaliland balse igama ay hoos qaadin xataa waxaan isku dayey in aan joojiyo Dagaalkii Gobolka Sool…nasiib-darro na lama dhegeysan” Madaxweyne Xasan Sheekh Isku soo duuboo Xasan Sheekh ayaa caddeeyey in Dagaalkii Laascaanood 2023kii, MOU Abiy 2024kiii iyo Aqoonsiga Israaiil ba kuligood lagu siray dhankiisa oo uu dhinaca Somaliland ahaa