Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimid go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland

09 Jan 2026 (Puntlandes.com) Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

Randhir Jaiswal oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku shaaciyey mowqifka Hindiya, isagoo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya.

“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.

About The Author