Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo Jeddah kulan ay kaga hadleen aqoonsiga ay Israiil ee Somaliland
10 Jan 2026 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israaiiil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin
