RW Itoobiya & Madaxweynaha Jabuuti oo wada hadalo kuyeeshay magaalada Jabuuti
11 Jan 2026 (Puntlandes.com) Ra’iisil wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle ayaa wada hadalo kuyeeshay magaalada Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay xaalada geeska Afrika iyo degaanteeda.
Madaxda ayaa dul istaagay arimaha juqraafi-siyaasadeed, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, saadka (logistics), iyo mashaariicda horumarineed.
Wada hadaladan intii ay socdeen wuxuu uu mar kale adkeeyay mawqifka 2da dhinac ee ku aadan nabad, xasillooni, isdhexgal dhaqaale, iyo barwaaqo wadaag ah.