Hay´adda UN OCHA oo baahisay goobaha Somalia lagu gargaar la gayn karro & goobaha aan la gali karin, waa kuwee?

11 Jan 2026 (Puntlandes.com) Hay´adda UN OCHA ayaa Khariiradan baahisay, waxaana kucad goobaha lagu safri karro ama loo gurman karro, Haddii gargaar loo baahdo in lageeyo iyo goobaha aan lagali karin.

Deegaanada intooda ugu badan ee aan la gali karin ama isku socod jirin gurmadna aan la gaarsiin karin ayay muujinayaa in ay yihiin deegaanada koonfurta dalka oo ay kujiraan gobalada caasumada Muqdisho ku hareereysan.

Puntland goobaha la calaamadiyey in aan la gali karin waa Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat oo labadaba kooxo Argagixiso la gula dagaalamayo.

Gobolka Sool ayaa lagu daran goobaha aan la gali karin aagaga ay isku horfadhiyaan labada ciidan.

About The Author