Muuqaal: Golaha Wasiirrada DFS oo lagu buriyay dhammaan heshiisyadii & is-afgaradyadii ay la gashay Dowladda UAE

12 Jan 2026 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirrada DFS ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Bosaso, iyo Kismayo, iyagoo ku sheegay inay go’aankaan qaateen kadib makii ay heleen warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Sidaan oo kale ayaa Xukuiumadii Farmaajo 2018kii uga cayrisay dalka UAE mana ka shaqayn Somaliland, Puntland iyo Jubaland go´aankaasi.

About The Author