Muuqaal: Madaxweyne Cirro “Xukuumadda Xasan Sheekh waxay weerar ku soo qaaday Somaliland waana iska difaacaynaa”
16 Jan 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta qado-Sharaf oo xog-warran ah u sameeyey Saddexda Gole ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay imaanshaha magaalada Laascaanood ee madaxda DFS iyo goleyaashooda, isagoo ku tilmaamay weerar lagu sopo qaaday Somaliland.
Madaxweyne Cirro “Xasan Shiikh wuxuu Laascaanood ka aloosayaa duulaan ka dhan ah Somaliland, diyaarado Turki ah ayaana laba-dhigaya ciidan & hub… waxa aan u sheegayaa caalamka in socdaalka Laascaanood yahay faragelin iyo duulaan-cad, cid kasta oo nagu soo duusha cashar ayaan u dhigayaa, waan u digayaa Laascaanood.”