Diblumaasiinta Reer Galbeed ah oo DFS ku wargaliyey in Berbera & Bosaso ay yihiin marino muhiim ah oo ay dawladda Mareykanka
17 Jan 2026 (Puntlandes.com) Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wada hadal kooban oo todobaadkii hore dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Diblumaasiin Reer Galbeed ah ayaa Dawladda Federaalka lagu wargaliyey in dekedda iyo magaalooyinka Berbera iyo Bosaso ay yihiin marino muhiim ah oo ay dawladda Mareykanka saameyn iyo joogid milaterina ku leedahay, taas oo aan la dhexgali karin is haysiga dalal kale u dhaxeeya.
Mareykanka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay isku marayay labadan magaalo oo ay u arkayeen aagag Istaraaji ah, waxaana bishii March 2025kii madaxweyne Xassan Sheikh warqad u diray Trump ugu yaboohay dekedaha labadan magaalo iyo saldhigyo milateri oo uu ka sameysto.
Fariimaha cusub, waxaa laga dhex akhrinayaa in aysan Mareykanku ogoleyn in gacmo kale ay lug kuyeeshaan marinada muhiimka ah, taas oo ka dhigan in qorshaha DFS uu hadda lakulmayo cadaadis ka weyn kii hore