Sawirro: Somailland oo ciidamo cusub oo badan tababar ugu soo xirtay deegaanka Oog ee Gobolka Sool

1a1c7-1

17 Jan 2026 (Puntlandes.com) Somaliland ayaa tababar usoo xirtay deegaanka Oog ee Gobolka Sool ciidan cusub oo kamid noqonaya ciidamadeeda amniga, kuwaas oo dibu u tababar galiyey imaanshihii xukunka Ciro ee ka dib.

Ciidankaan ayey Somailland ku sheegtay inay ka badan yihiin 6 kun oo askari, iyadoo munaasabad loogu qabtay deegaanka Oog.

Maalmo ka hor wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa tagay Salinta oo ah halka fariisinka u ah ciidanka WB, isagoo sheegay in ay yihiin ciidan Qaran, Midnimadana ay adkeynayaan calanka Soomaaliyana laga taagi doono Burco, Harhaysa iyo Berbera waa sida uu hadalka u dhigaye.

About The Author