DFS oo si rasmiya u qaadatay mas’uulliyada bakhaaradii WFP ee laga boobay raaashinka
27 Jan 2026 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhammaan raashinkii iyo gargaarkii laga qaatay bakhaar ku yaalla Dekedda Muqdisho, dib loogu celiyay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP).
Raashinka oo ay bixisay Mareykanka, DFS ayaa mas’uuliyadda dhacdadaas qaadatay, waxayna sheegtay in ay ka xun tahay wax dhacay oo ay ka qoomamanayso.
Si loo sugo amniga Cuntada iyo in aan la dhicin, DFS waxay sheegtay in ay Hay’adda WFP siisay bakhaar ka ballaaran kana habboon kii hore, oo ku yaalla isla aagga dekedda. Sidoo kale, Dowladda waxay ballanqaadday in ay xoojin doonto wada shaqeynta iyo is-dhaafsiga macluumaadka wakiilada caalamiga ah si looga hortago dhibaatooyin la mid ah tan oo mustaqbalka timaada.
Dowladda Mareykanka ayaa si xoogan Toosh ugu qabatay Galaydii laga boobay Bakhaarka Muqdisho, tani waxay keentay in warsaxaafadeedkii 3aad oo wata qaadasho masuuliyadeed ilaa sheegid in lasoo celiyey gargaarkan la qoro.
