Afhayeenka Eric Trump oo meesha ka saaray in wada-hadallo gaar ah ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland & wiilka Trump
27 Jan 2026 (Puntlandes.com) Afhayeenka Eric Trump ayaa meesha ka saaray in wadahadallo gaar ah ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo wiilka Trump, isaga oo sheegay in madaxweyne Cirro ka qaybgalay casho ay yimaadeen dad ka badan 100 ruux oo hal qol isugu yimi ka dibna sawir wada-galay.
Mas’uiliyiinta Somalialand ayaa sheegay in kulankaas looga wadahadlay maalgashiga dekedda Berbera ee Somaliland, halka afhayeeenku caddeeyey in aan lagu soo qaadin arrimo gaar ah oo ay Deked ku jirto.