Gudigii Golaha Joogtada Baarlamaanka DFS oo iski khilaafay bedelidda dastuurka ee MD Xasan Sheekh!!

1a1a5

27 Jan 2026 (Puntlandes.com) Gudigii Golaha Joogtada Baarlamaanka DFS ayaa shir ay yeesheen waxaa ka soo baxay illaa 9 gudoomiye guddi iyo hab-dhowre ku xigeen, kuwaas oo muujiyay khilaaf ka dhex aloosan hoggaanka.

Xubno ka tirsan guddiyada shirkaas ka soo baxay ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe inuu kala qaybiyay Baarlamaanka isla markaana uu wiiqay midnimadii Golaha.

Waxay sheegeen xubnuhu inay u dhex fadhiisan doonaan xarunta Golaha Shacabka si ay uga dhiidhiyaan go’aannada ay ku tilmaameen kuwo sharci-darro ah.

ayaa hadda warbaahinta la hadlay, iyagoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ku eedeeyay inuu ku kacay falal ay ku tilmaameen sharci jabin.

Xubnaha ayaa sheegay in go’aanno uu qaatay Guddoomiyuhu ay baal marsan yihiin xeer-hoosaadka Golaha iyo habraacyada sharciyeed, islamarkaana ay wadaan tallaabooyin ay ku difaacayaan sharciga iyo nidaamka Golaha.

About The Author