Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo Buuq ku bilowday kuna dhamaaday

1a1a3

28 Jan 2026 (Puntlandes.com) Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo Xasan Sheekh doonayey inuu ku aybiyo wax-ka-beddelka Dastuurka JFS ayaa Buuq ku bilowday kuna dhamaaday.

Hal mar ayaa Firimbi ka bilowday fadhigii Baarlamanka, iyadoo xildhibaannada mucaaradka ay diidan yihiin sii wadista wax-ka-beddelka Dastuurka JFS.

Markii lagu kala tagay Baarlamanka ayaa waxaa soo baxday in Guddoonka ay guda-galeen ganaaxyo lagu soo rogayo xildhibaannada mucaaradka ee maanta hor-istaagay kulanka-guud, iyadoo maalinta Sabtida la filayo in mar kale Baarlamankakulan ka yeesho rabitaanka xasan Sheekh.

About The Author