Sawirro: Dekadda Garacad oo Markab AK Haburg uu kusoo xirtay Jembiga C
01 Feb 2026 (Puntlandes.com) Markab AK Haburg ayaa ku xiran Jembiga C ee dekadda Garacad, kaas oo sida shamiitadii lagu dhameystiri lahaa jembigaas muhiimka ah.
Jembiga C oo diyaariyay ayaa waxaa u dhiman oo kaliya in la shubo, si loo dhameystiro. Dekadda ayaa hore u lahayd Jembiyada A iyo B oo shaqeeya, halka Jembiga D uu isna meel wanaagsan marayo oo dhismihiisu socdo.
Dhameystirka Jembiyada C iyo D waxay dekadda Garacad ka dhigayaan mid ballaaran oo awood u leh inay ku soo xirmaan Maraakiibta konteenarada waaweyn, taas oo sare u qaadaysa awoodda dekadda ee ganacsiga iyo isku xirka caalamiga ah.
Dhismaha socda ee dekadda Garacad oo ku socda isku tashi bulsho ayaa marba marka ka dambeysa ku sii tallaabsanaya horumar.














