Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi balaaran oo ka socday Safaaradda Sweden, Hay’adaha FAO & Kaalo
01 Feb 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa qaabilay Wafdi balaaran oo ka socday Safaaradda Swedish, Hay’adaha FAO iyo Kaalo.
Wasiirka ayaa kusoo dhaweyey wafdiga Xarunta Wasaaradda ee Magaladda Galkacyo si xog waraysi dhamaystiran loogu kala qaato Mashaariicda Gobolka ka socda ee ay maalgalinayso Hay’adda u qaabilsan Dowladda Swedish Maalgalinta mashaariicda ee SIDA.
Wasiirka ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay u leedahay mashaariicdan dadka iyo deegaanka kuwaas oo muujiyey saamayn la taaban karo dhiirigalina u noqon kara in laga wada shaqeeyo mashaariic hor leh maadaama ay u hirgaleen sidii loo qorsheeyey kuwii hore.
Ugu danbayn Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Swedish Mashaariicda ay ugu deeqeen shacabka reer Puntland.
Kulanka Waxaa ka qayb-galay Saraakiisha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dawladda Puntland.


















