Midowga Yurub oo si xoogan uga xumaaday ka celinta Muqdisho ee kooxaha hordhaca u ahaa Puntland & Jubbaland kuna tilmaamay “CEEB”

01 Feb 2026 (Puntlandes.com) Midowga Yurub ayaa si xoogan uga xumaaday ka celinta Muqdisho ee kooxaha hordhaca u ahaa Puntland & Jubbaland, iyadoo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ay ku tilmaantay “CEEB”

“Ceeb weeye in kooxaha horudhaca u ahaa PL & JL ay maanta soo gaari waayaan magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee isfaham la’aantu, Midowga Yurub waxay rajaynaysaa in dhammaan dhinacyadu ay xal u helaan in wada hadalkaan muhiimka ahi uu qabsoomo, lana dejiyo jawi wanaagsan oo laga yeesho doodo wax ku ool ah, taasoo horseedi karta dariiqii loo mari lahaa doorashada.” Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro

Tani waxa ay bilow u tahay farriimaha Beesha-caalamka ee doorashooyinka oo xilligan oo dhex-gala Soomaalida.

About The Author