UNTMIS “waxan kuboorrineynaa in si degdeg ah loo dhammaystiro shaqada diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana DFS & Golaha Mustaqbalka ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuro jawi ku habboon wada-hadal wax-ku-ool ah, oo lagu gaaro heshiis loo dhan yahay”

01 Feb 2026 (Puntlandes.com) Howlgalka QM ee Soomaaliya, UNTMIS, oo war ka soo saartay arintii maanta Muqdisho looga celiyey wafdi hordhac u ahaa Puntland & Jubaland iyo ilaalada madaxweynayaasha ayaa sheegaty inay ka xun tahay inay u suurtogeliwayday kooxaha horshaca ahaa.

Sidoo kale UNTMIS ayaa waxay DFS iyo Golaha Mustaqbaka ku boorrisay in si degdeg ah loo dhammaystiro shaqada diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana sameeyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuro jawi ku habboon wada-hadal wax-ku-ool ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UNTMIS:

UNTMIS waxay ka xun tahay in kooxaha hordhaca ah ee ka socday Puntland iyo Jubaland ay u suurtageli wayday inay soo gaaraan madasha wadatashiga qaranka ee la qorsheeyay inay ka furanto Muqdisho, maadaama aan la bixin oggolaanshiyaha farsamo ee lagama maarmaanka ahaa.

Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan gogosha wada-tashiga ee hore loogu heshiiyey, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, ka hor dhammaadka muddada waajibaadka dastuuriga ah.

Sidoo kale, waxaan ku boorrineynaa in si degdeg ah loo dhammaystiro shaqada diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuro jawi ku habboon wada-hadal wax-ku-ool ah, oo lagu gaaro heshiis loo dhan yahay.

About The Author