Guddoomiyaha gobolka Mudug oo magacaabay guddiga abaaraha gobolka
02 Feb 2026 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade, ayaa magacaabay Guddiga Abaaraha Gobolka Mudug, maadaama gobolku wajahayo abaaro baahsan oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.
Magacaabistan ayaa ujeedkeedu yahay in guddigu ka shaqeeyo isku-dubaridka gurmadka, qiimeynta xaaladda abaaraha, iyo la shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka, si gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo bulshada ay abaaruhu saameeyeen.
Guddigan oo ka kooban 21 xubnood ayaa si gaar ah diiradda u saari doona badbaadinta nolosha dadka iyo xoolaha, iyo dardargelinta dadaallada gargaarka bani’aadannimo ee ka socda Gobolka Mudug.
Liiska Guddiga Abaaraha Gobolka Mudug:
1. Maxamed Xasan Xuseen Gudoomiye ku-xigeenka gobolka – Guddoomiye
2. Sheekh Maxamuud Aw Faarax – Guddoomiye Ku-xigeen
3. Caasha Geelle Diiriye – Xoghaye
4. Xirsi Cabduqaadir Cali
5. Yaasiin Maxamuud Indhyare
6. C/Fitaax Samatar Ciise isuduwe A/Gudaha
7. Shukri Axmed Xuseen Isudwe Haweenka
8. Cabdirisaaq Axmed Cali
9. Shukri Cabdi Cali
10. C/Xakiin Umal Xuseen
11. Khaalid Maxamed Jaamac Isuduwe Gargaarka
12. Sheekh C/wali Diiriye Xasan
13. XIRSI Xuseen Nuur Isuduwe Caafimaad
14. Maxamed Cabdi Cigaal isuduwe Qorshaynta
15. C/Raxmaan Cumar Dheere
16. Farxaan Aadan Sh Doon
17. Cabdiraxmaan Xasan Xaraf
18. Sheekh Asad Muuse Geelle
19. Gorod Xasan Cadde
20. Axmed Saleebaan Cali
21. C/Casiis Maxmuud Maxamed isduwe Biyaha