DFS “Waxaa nasiib darro ah dhacdadii dhacday 1dii Feb & dibu u dhicii ku yimi wafuudii Golaha Mustaqbalka”

03 Feb 2026 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka ayaa nasiib darro ku sheegtay dhacdadii ay1dii Feb dib ugu celöisay ciidankii ilaalada madxada Puntland, taas oo sababatay in shirkii dibu u dhic ku yimaado.

“Waxaa nasiib darro ah dhacdadii dhacday 1dii Feb iyo dibu u dhicii ku yimi wafuudii Golaha Mustaqbalka” Tani waa cududaar ama raaligalin ka bixin ay dawladda faderaalka ka bixinayso is hor istaag ay iyadu sameysay.

Jubbaland iyo Puntland ayaan wali ka jawaabin talaabooyinkii uu Madaxweyne Xassan Sheekh la wadaagay odayaasha dhaqanka dhankiisa iyo tagida Muqdisho.

About The Author