Maraykanka oo si xaagan ugu amaanay Puntland dagaalka ay kula jirto Argagixisada

03 Feb 2026 (Puntlandes.com) Taliye kuxigenka Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom oo qaabilsan Iskaashiga Rayidka iyo Military ee taliska Africom Amb Rebert Scott, ayaa siweyn u amaanay ciidamada Puntland oo ka adkaaday Kooxda Daacish.

Amb Rebert Scott wuxuu mudo soo ahaa diblomaasi sare oo katirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka. Isagoo la hadlay Warbaahinta Fox News ee Maraykanka ayu sheegay in ciidanka Puntland burburiyeen shabakad xoogan oo kooxda daacish ku lahayd buuraleyda Golis iyo Calmiskaad.

“Waxay dib ula wareegeen dhul ballaaran, run ahaantii waa saaxiibo la isku halayn Karo Kuwaasi (Puntland) Annaguna waxaan ku taageernay wadaagista xogta sirdoonka, Kormeer iyo Sahamin iyo sidoo kale weerarro duqeymo cirka ah. Inta badan dhulkii ay ISIS Soomaaliya hore uga talin jirtay ee ku yaallay Puntland oo ah maamul iskiis u madaxbannaan oo ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya hadda waxa gacanta ku haya Ciidamada Difaaca Puntland,” ayuu Scott yiri.

Safiir Robert Scott, oo ah diblomaasi sare oo waayo-aragnimo dheer leh kana tirsan shaqaalaha rasmiga ah ee diblomaasiyadda, kana soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka tan iyo 2023 ayaa u sheegay Fox News Digital in dowladaha ku hareeraysan Soomaaliya ee la wadaagaan AFRICOM masuuliyadda culayska amni — “ aanay aheyn oo kaliya Kenya, Itoobiya iyo Uganda, balse ay kaalin muuqata oo fir-fircoon ay qaateen Somaliland, gaar ahaan Puntland, iyo weliba Jubaland. Sidaas darteed, waxaan helaynaa la-hawlgalayaal diyaar u ah inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ISIS iyo Al-Shabaab labadaba. Waxaan u malaynayaa in arrintani ay aad u noqotay mid wax ku ool ah.”

About The Author