Sawirro: Safiirka talyaaniga ee Soomaaliya oo Garowe lagu soo dhaweeyay
08 Feb 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Dauud Maxamed Bisinle ayaa Madaarka caasimadda Garowe kusoo dhaweeyay Safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi oo safar shaqo u yimi Puntland.
Soo dhaweynta ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa iyo saraakiil dowladeed oo kale.


















