Xildhibaannada ka soo horjeeda wax-ka-beddelka Dastuurka DFS oo la baxay “Xildhibaannada-xorta ah” ayaa gebi-ahaanba qaadacay ka qaybgalka fadhiyada Baarlamanka
08 Feb 2026 (Puntlandes.com) Xildhibaannada ka soo horjeeda wax-ka-beddelka Dastuurka JFS oo la baxay ‘Xildhibaannada-xorta ah’ ayaa gebi-ahaanba qaadacay ka qayb-galka fadhiyada Baarlamanka, iyada oo badi xildhibaannada mucaaridsan DFS laga ganaaxay fadhiyada BJFS.
Tani waxa ay imanaysaa xilli todobaadkan loo madlan yahay wada-hadallada Dowladda Federaalka & Golaha Mustaqbalka oo looga hadlayo Doorashooyinka iyo Dastuurka dalka.



