Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho
10 Feb 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Shirka lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
























