Sawirro: Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo soo dhoweeyay Muqdisho

1a1b3-3

10 Feb 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Fedraalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya Shirka lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, kaasoo diiradda lagu saarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

About The Author