Sawirro: Wafdi wasiiro ah & isimada oo kulan ka yeeshay xal u helidda dhacdadii ka dhacday dagaanka Roox

1a1b18

12 Feb 2026 (Puntlandes.com) Mas’uuliyiinta dawladda dhexe ee ku sugan Gobolka Mudug, oo ay weheliyaan maamulka gobolka iyo kan Degmada Gaalkacyo iyo isimada dhaqanka gobolka, ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray xal u helidda dhacdadii ka dhacday dagaanka Roox, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo birimagaydo.

Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay sababaha keenay dhacdada, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo dadaallada nabadeynta, isla markaana si wadajir ah loogu hawlgalo dejinta xaaladda, si looga hortago in mar kale ay dhacaan falal noocan oo kale ah.

Mas’uuliyiinta iyo isimada dhaqanka ayaa ugu baaqay bulshada dagaanka inay muujiyaan dulqaad, wada shaqeyn iyo ilaalinta nabadda, si loo xaqiijiyo nabad waarta loona sugo badbaadada iyo xasilloonida shacabka.

Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isla garteen in la sii wado kulamada iyo wada-tashiyada lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, si xal waara loogu helo xaaladda taagan.

About The Author