Sawirro: Wasiirro, xildhibaanno oo kulan muhiim ah layeeshay Guddiga Horumarinta Degmada Galkacyo oo gacanta ku haya hirgelinta mashruuca biyo-ka-saarka magaalada
12 Feb 2026 (Puntlandes.com) Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo maamulka gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Horumarinta Degmada Galkacyo oo gacanta ku haya hirgelinta mashruuca biyo-ka-saarka magaalada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii si degdeg ah loo bilaabi lahaa shaqada biyo-saarka, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka biyaha roobka ee ku fataha xaafadaha magaalada, kuwaas oo saameyn ku yeesha isu socodka, nadaafadda, habsami-u-socodka shaqada goobaha adeegga dadweynaha iyo nolosha bulshada.
Dawladda ayaa kulanka ku xaqiijisay in la diyaariyey dhammaan wixii looga baahnaa oo ah dhinaca taageerada iyo fulinta mashruuca, halka guddiga horumarinta degmaduna ay soo bandhigeen heerka diyaar-garowga iyo qorshaha hirgelinta hawshaan.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda mashruucan oo door weyn ka qaadan doona horumarinta bilicda magaalada, ilaalinta deegaanka iyo yareynta fatahaadaha biyaha roobka.
Sidoo kale, waxaa laysla qaatey in si wadajir ah loo dardargeliyo fulinta mashruuca, iyadoo loogu baaqayo bulshada guud, ganacsatada iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay ka qeyb qaataan hirgelinta mashruucan oo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka magaalada Galkacyo.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo horumarka iyo dib-u-habeynta kaabeyaasha magaalada.



















