Wakiilada Beesha caalamka oo la wadaagay gudoomiyaha golaha Shacabka walaaca ay ka qabaan go`aanada halka dhinac ah ee wax looga bedelayo Dastuurka dalka

1a1a2

02 Mars 2026 (Puntlandes.com) Wakiilada Beesha caalamka ayaa maanta la wadaagay gudoomiyaha golaha Shacabka Aaden Madoobe, walaaca ay ka qabaan go`aanada halka dhinac ah ee wax looga bedelayo Dastuurka dalka, abuurayana kala taga siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in guddoonka looga baahan yahay talaabo masuuliyadeed, mideyn & in aan laga shaqeyn kala kaxeynta dhinacyada Soomaalida ee ay kamid yihiin golaha baarlamaanka 11-aad, sidoo kale waxaa la xasuusiyey gudoomiyaha mudada xil-heynta in ay gabagaba tahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax ka bedelka dastuurka ay tahay geedi socod ka socda dhanka madaxweynaha oo uusan isagu wadin doodahaas.

About The Author