Sawirro: Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo kulan is-xogwareysi ah layeeshay Xildhibaano si ka baxsan nidaamka dowladnimada looga hor-istaagay dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed & xuquuqdooda safar

1a1a3

02 Mars 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya oo si ka baxsan nidaamka dowladnimada looga hor-istaagay dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed iyo xuquuqdooda safar.

Xildhibaanada oo shalay hawada garowe madaxweyne xasan Sheekh ka soo celiyey ayaa ilaa iminka waxay ku Af-duuban yihiin gudaha Xerada xalane, isagoo madaxweynuhu diiday inay u safraan deegaan doorashadooda.

About The Author